yey dani ka haysaa dandarada shacabkeena ?????

dhibaatada baaxad wayn ee camimtay shacabkeena waa mid ruux kastaa dareemi karo gude iyo dibada waxaa maanta ku rafaadsan kumayaalkun oo soomaali ah waa dagaal ahkli ah waxa umadii halakeeyey  majiro nidaam majiro cid danta guud ee shacahka soomaaliyeed ka shaqaynaysa soomaaliya iyo dadkeediiba waxay magan u yihiin danaystayaal aan cidna u naxayn soomaali waxay u baahanytahay badbaado waxay u baahantahay caano daadtay dabadoodaa la caynshaa waxay u baahantahay kadib 20 sano oo olol iyo madfac samatabixin soomaalida maanta waxaa moodaa in aysan dareensanayn marxalada dalku marayo waa dad habawsan oo ku rafaadsan dacalada dunida war soomaaliyeey baranay dal shisheeye baranay qaxooti iyo barakaca soomaaliyeey yaan xalka sugnaa? yaa noo maqan dhiiga shacabka ee qubanya miyaan laga diirayn miyaan maatida dayacan loo diirnaxayn miyaanu jirin xitaa ruuxna ha noqdee wax dareema dhibaatada baaxadaweyn ee shacabka soomaaliyeed haysata? qorma iyoqoraal kooban laguma soo koobi karo dhibka jira waxaa muhiim ah in aan cid xal laga sugin ee loo guntado sidii dhibaatada jirta wax looga qaban lahaa qofna loo fasirimayo xaalada murugada xambaarsan ee maalinkasta wadankeena ka dhacaysa hadaba soomaaliyeey toosa oo kaca  waxaan nahay maatay dadka caalamka ugu liita dhan walba waxaanku soo koobayaa qoraalkayga yaanan sugin 20 ka sano ee soo socata in dhibku sii jiro ee qof dareenkaaga iyo kaalintaada ka qaado sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran soomaaliyeed oo soo celiya sharafkii dadkeena iyo dalkeena by maxamed maxamud geele

Views: 12

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

© 2013   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service