SIDEED U NOQON KARTAA QOF FARXAD BADAN?

Walaalahayga muslimka ahow akhriso wey ku anficiye hadii aad awoodo daabaco /siina gudbi by forword

1 - Ku kalsoonow naftaada

2- iska Ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa hadhow ayaan qaban doonaa.

3- iska Ilaali marka aad go,aan qaadaneyso inaad dhiiran weydo.

4- Ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhihiiguush.

5- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa qalbiga,waxaanay kaxeysaa murugada,waxaanay kordhisaa risqiga

6- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda

7aad- booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,,si aad u dareento nimcada caafimaadaka iyo xoriyada.

8- iska Ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.

9- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana Ilaali aargoosiga.

10- iska Ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay tashuush kugu furan.

11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.

12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.

13- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku dhaca qalbiga.


14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.

15- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.

16- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.

17- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.

18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.

19- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.

20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.

21- badi salaada waa alabaabka farxadda laga galee

22- farxadu waa geed biyihiisa,cuntadiisa,hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.

23- baro cilmiga waayo wuxuu kordhiyaa araga qofka.

24- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay inay kuula dhaqmaan.

25- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuse,inta uu cadhaysanyahay.

26- qofka haysta guri,caafimaad iyo quutal yawm ha ogaado inuu haystonolol aduun,

27- guusha iyo farxadda waxaa sees u ah Alle(sw) oo raali kaa noqda,dadka kuu dhow oo raai kaa noqda iyo naftaada oo raali kaa noqota.

28- Cuntadu waa farxad l maalin ah,safarkuna wa farxad wiiga,xaaskuna waa farxad bila,xooluhuna waa farxad sannad ah,iimaankuna waa liibaan iyo farxad weligiis ah.

29- ku dedaal inaad saaxiibadaa la sheekeysato,si aad iskaga kaxeyso murugada,ogowna in kaftanka hufan uu keeno farxad.

30- qaabka noloshaadu yeelaneyso wuxuu ku jira gacmahaag,hadba qaabee noloshaada oo ka xidhan muraayad madow.

31- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa diinta,cilmiga,edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.

32- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.

33- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta berriba,isaga talo saaro.

34- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa tagtay oo soo noqon meyso,berrina isaguna ma laha adna ma lihid,laakiin maalintaa la joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.

35- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta,waxaanay keentaa karti.,noloshana qiimey u yeeshaa.

36- qaamuuska(dhigshineriga)farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.

37- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.

38- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa bad-baadindoono.

39- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo badan ka eegin,lana tasho dadka aad ku kalsoon tahay,hadii aad guuleysato waa sidii aad dooneysay,hadii aad
guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula wadaagay.

40- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan,cadowgooduna wuu yar yahay,waayo saaxiib sannad baad ku heshaa,cadowna hal maalin,wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo dabeecad wanaag.

41- hadii alle ku siiyo nimco ku shukri

Views: 236

Tags: AbdiNasir, Elmi

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

Comment by Axmed Gurey on February 16, 2011 at 11:36pm

Waan dinsalaamayaa dhamaan asxaabta sharaftaleh  meelkasta oo aad jogtaan  

 Waana sax qoraalkaan ku saabsan  Farxada oo waxaadba modaaa in qofka soo qoray uu sifiican ugabaaraan dagay   marka ajar iyo xasanaad aan lasoo koobikarin alle hadiinkasiiyo

Comment by cabdi fitaax cali baashi faarax on February 13, 2011 at 5:00am

Asc dhamaan xubnaha page kan waad salaamantihiin khaasatan qofka fikirkiisa iyo firaaqadiisa ku dhumiyay in uu faaladaan misana faahfaahsan soo diyaariyo

sxb waad salaaman tahay wado cusub ayaa inoo tilmaamtay oo diinteena raali ka ah farxad ku noolow sxb waligaa

Comment by farxiya xirsi(age) on February 4, 2011 at 12:32pm
ASC)WALALAYAL WAD SALAMANTIHIN DHAMANTIN  GAR AHAN QOFKI SODIYARIYAY ARIMAHAN DIINTA KUSAHABSAN ILAHAY HA IDINKA JISAIMAROYO WALALO OO ILAHAY JANADA HAKUGU ABAL MARIYO AMIIN KHARKAD DADKA UWADIDNA ILAHAY HA KA AQBALO AMIIN ILAHAYNA HAKUXIFTIYO AMIIN
Comment by sharmaake maxamuud xuseen on December 9, 2010 at 1:50pm
masha ALAAH sxb ALLE ha kaa abaal mariyo iftiinka aad u furtay umada muslimka ah ee somaliyeed sxb qaasatan aniga waxaad ii jeexday wado aan cimrigeega sameen laheen sxb 100% waad mahadsan tahay abdinasir
Comment by ugaas muse on December 9, 2010 at 1:17pm
allaha kaa jazai siiyo hana kugu daro misanka xasanadka sida garli ida ah ee aad nogu faidaysay anaga ilahay hanaga dhigo ku wii kudhaqma wanan ku salamaya
Comment by zameer Ishqi on December 8, 2010 at 2:41am
man sha allah alle ha kaa ja saa i siiyo walaal aad ayaad no dhiri galisay
Comment by insan wadani on December 7, 2010 at 10:37am
masha allah bro c/nasir wax badan ayaa ii iftiinisay sxb ilaahey ajar hakaasiiyo xumaanta aad daka garebesid bro waxaan kaa codsani lahaa haddii aad heyso wax lamid ah mowduucaan wanaagsan in aad nosogudbisid adoo mahadsan thanks bro goog lucky
Comment by king_ khadar on December 7, 2010 at 7:17am
thank you c/naasir wise man ayaad tahay sxb indhaha ayaadna nooo kala furtay thank you again waana qaadanay waanadaada bro its very important really

A

© 2012   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service