waxaan salaamyaa dhamaan akhyaarta waxaad kusoo dhawaaadaan aduun.net

Views: 19

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

Comment by en. msf on July 15, 2012 at 8:16am

Maanta waxaa Jeclaan lahaa in aan in yar ka taabta Habka Fanaaneed iyo Dadnino ee
Xidigta Weyn ee Caanka ah-Cunaabeey-SAADO CALI WARSAMME, shaki kuma jirro in Magacaasu
yahay mid si weyn loo wadda garanaayo mudo dheer eey maqlaateen dhegaha Dadweynaha 
Somaaliyeed Heesaha Badan ee Saadona si weyn loo Jecel yahay iyo qaabka Qurxoon ee
Jilista Riwaayadaha ee gaar u ah Saado, Balse waxaa Dadweynaha intooda badan ka qarsoon
Dhanka Qof ahaaneed iyo Sifooyinka gaarka ah ee Saado Cali Warsamme, Waxeeyna ka Soo
Jeedaa Degaamadda Taariikhda Weyn ee Wadaniyadda ah leh, Dhulkii Daraawiishtii
Geesiyiinta ahaa, Saad Aabaheed Cali Guray ayaa ahaa Oday dhaqameed Xurmo iyo
Qadarin
ku lahaa Degaanka Buuhoodle iyo Guud ahaan Beelaha Reer Howdka.



Saada Cali (Cunaabeey) waxeey asal ahaan ka Soo jeeda Degaamadda Taariikhda weyn ku
leh Halgaankii Xoriyadda Somaaliyeed Xurumuhii Darwiishkii, Halyeeygii Geesigii Weynaa
Sayiid Maxamed Cbdulle Xassan, Waxaa Kalle oo Degaanka ka Dhasahy Shakhsiyaadkan:-
1-Sugaan Yaqaan Al-Mujaahid Halyeey- Ismaciil Mirre.
2-Sugaan Yaqaan Af-tahankii Weyn, Cali Dhuux.
3-Mujaahid Halyeeygii Weyn, Faarax Caga-Dhiig.
4-Gabayaagii Weynaa, Khaliif Axmed.
5-Gabayaagii Weynaa, Aden Carab.
6-Guurtigii Weynaa, Xaaji Cumar Cameey.
7-Guurtigii Weynaa, Shariif Dhega Cadde.
8-Guurtigii Weynaa, Al-Xaaji Cali Abokor.
9-Gen-Max,d Cali Abokor.
10-Col-C/Laahi Shariif Dhega-Cadde.
11-Gen- Xamse Max,d Gaada-weyne.
12-Garaadkii Weynaa, Wadani Caanka, Garaad Cali Garaad Jaamac.
13-Garaad C/Qani Garaad Jamac.
14-Garaad, Soofe.
15-Garaad, C/Laahi Garaad Soofe.
16-Garaad Abshir Saalax.
17-Garaad, Suleeymaan Buraalle.
18-Garaad, Maxam,ed Garaad Suleeymaan.
19-Aqoonyahan. Axmed Jaamac Jangeli.
20-Aqoonyahan, Xaashi Cabdalle.
21-Aqoonyahan Diplomaasiga Caanka, Axmed Max,de Aden(Qeybe).
22-Aqoonyahanka Wadaniga Weyn, Max,d Max,ud Khaawi.
23-Dr-Max,d Xisr Khaali.
23-Dr-Dhege Weyne.
23-Dr-Axmed Xaashi.
23-Qalin Yaqaanka Caanka Dr-Heyd.
24-Dr, Cabaas Gaadaweyne.
25-Al-Wadani Dr-C/Raxmaan Ceeydiid Dhab-dhable.
26-Caaqil, Maxud Xaaji Cumar Cameey.
27-Al-Shahiid, Al-Wadni Max,ud Dabagooye iyo Kumayaal iyo Kumanyaal Shakhsiyadood
oo Taarkhida Somaaliyeed Kaalimo Sharafeed kaga Jirra, Xurmo iyo Qadarin Gaar ahna 
Mudan oo Halkan lagu Soo Kobi Kareen, Balse u Baahanaaya Bogag iyo Bogag lagu Qorro.


Fanka iyo Habka Luuqinya Wanaagsan ee Saado ayaa ah kuwo siinaaya Mudan gaar
ahaaneed iyo in eey tahay Xidig weyn, Fanaanad Caan ah oo ka mid ah kuwa Safka Horre
Sidda:- Marxuumadda Magool, Xidigta Sahra Axmed, Hibo Nuura, Baxsan, Khadra Daahir,
Aamina C/Laahi, Faaduma Qaasim, Maan-deeq,iyo Seeynab Cigge, oo ah Fanaaniinta la
oran karro kaa kuwo Safka Koowaad Dhinaca Haweenka, Saado waxeey ka soo qeyb
qaadatay Riwaayado Badan oo Xiiso weyn lahaa, Sidda Riwaayadii Wadanigga aheyd ee uu
Curiyeey Abwaan, Maxamuud C/Laahi Sangub ee Magaceedu ahaa-Xoriyo, oo Saado Cali
ka aheyd Xidigta Koowaad kuna muujisay Xeeladeeda sarre iyo habka wacan ee Jilaanimo
iyo Luqadeedda iyo Naaxiyadeeda Habka Heesaha, iyadoo aan marna la illaawi kareen
Doorkii iyo Hanaankii Jilaa,eed e Xidgta Weyn- Feeynuus Sheekh Daahir.

Comment by en. msf on July 4, 2012 at 2:08pm

waxaad tahay axad qaali ah oo aan ka reebi waayey xusuusteyda?wehelkii naftayda ayaad ku qoran tahay xaggayga, waxaad harsataa qalbigayga. Halbowlayaasha dhiiga ayuu xulaa dareenka ka go’i waayey laabtayda, beerka ayaad ku taalaa, boggana boog aan bogsan ayaad ku leedahay taas oo ku danqata xusuusta kulul ee ku soo dhacda maankayga
Waxaad tahay qof bashar ah oo uu ILLAAHEY abuuray haddana si weyn ayaan kuu adeecayaaa? waala igu colaadiyay hadal heynta xaggaaga ah oo ay dhaafi waayeen dibnahan iyo carabkan u bartay ku celcelinta magacaaga quruxda Badan.
Ilama aha in uu adduunka saaran yahay axad lagu garab dhigo, mana qabo in uu Jaceylkaaga igaga bi’i karo sahal oo waxaan ku Jeclaaday Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn ee walaal aanu u hibeyn walaalkii ama aabe wiilkii. ?qof jaceylka wax weyn ka garanaya ayaad tahay oo dhadhankiisa arkay
Ma garanayo goor aan ka hirqan doono xubbiga ka buuxa laabtayda? dhadhanka dareenka farxadda ee jaceylkana noqon doonto mid taabo gasha.Ma caddeyn karo wax xag Ilaahay jira? lakin rajadeydu waa mid ubad dhal kusaleysan Ogoow wehelkaygiyey wadnahad kutaala koley intii yareyd aad I moogeyd uu culeys badan ku dhacay naftayda, qalbiga ayaan ku hayaa in aan noolaan karin la’aantaada? is badal baa ku dhacay naftayda, waxaana ugu wacan aragti la’aantaada, waxaan kurajayn khayr jana gartuusa waxaan alle inoo waydiin inuu waalidkeen galiyo janada inuu inaga dhigo kuwii nolasga aduun aakhiraba qaybsaday kuwii ubaaari fala waalidkooda

© 2013   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service