Somali Online Chatting
Maqaalkaani waxan ku eegaya xaalada iminka ku aadan rabitaanka Musharaxiinta u taagan xilka madaxtiximo ee soomaaliya oo iyagu garabsanaayo Odayaasha Dhaqanka, In la helo Musharax waxbadan ka badala Dalka soomaaliya waa lama huraan si looga badbaado Dhibaatooyinka ku habsaday Dalka soomaaliya ku dhawaad 21-Sanno Balse waxaa ii nasiib daro ah in aan doorto Musharax u taagan reer Hebel in uu wax ka badalo Siyaasadooda islamarkaana fuliyo Danahooda gaarka ah
Micnuhu kama dhigna in aan ula jeedo Musharax gaar ah oo u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia balse waxan ula jeeda in xiligaani Dalka soomaaliya ay isu soo taagen xilka Shaqsiyaad aan horay looga baran Siyaasada Somalia iyo halka lagu falan-qeeyo siyaasada.
Xilka Madaxtinimo ee soomaaliya waxaa u taagan in kabadan 10 Musharax waxaana qarsoon tiro intaa kasii badan oo aan iminka la shaacin, waxaa iga Su’aal ah hadii lagu doorto Madaxweynaha Dalka Somalia sidee u buuxin lahayd Shuruudaha caalamka ama siyaasadaha caalamka ay ka leeyihiin Dalka soomaaliya maadama aadan ahayn Mudane aan Ehel u ahayn Siyaasada ????
Waxaa hubaal ah in Musharax waliba ee u taagan Madaxtinimada Dalka Soomaaliya uu aaminsan yahay in Xilka waaxaha ama wasaaradaha uu u qeybin lahaa walaalihiisa ama Reer hebel iyada oo ay daliil kaga filantahay Hab dhaqankii soo jireenka u ahaa Siyaasiyiinta dalka ka amrisar 20-sano ee lasoo dhaafay !!!
Odayaasha Dhaqanka waxaa sal dhig u ah ama Hal ku dhig u ah Erayada soo socda
1- Iska noqo maxaa ka galay adiga
2- Maheysataa Qarash laguugu shaqeeyo Adeer
3- Wad guuleysaneysaa ee waxaa iga waano ah in aadan ilaawin Qaraabada
4- Adeer waligaa ahaaw Siyaasi ku tashta reerkiisa oo rug cadde ah Xuquuqda Odayaashana ha iloobin
5- Dalka wax kaqabso waxna u qabo hanugu ceybeyn kaalinta nooga aadan Siyaasada soomaaliya
Maahan mid lasoo koobi karo Micnaha uu xanbaarsan yahay Musharaxa u taagan xilka madaxtinimo ee Dalka Somalia inta uusan isku soo taagin xilka waxaa soo Quraamiyo Odayaasha Dhaqanka Reer Hebel waxaana laga soo Dhisaaya Micnaha iyo xigmada ay ku fadhiyaan Reer hebel ….
Waxaa xusid mudan in uu jiro Jahwareer ku aadan Siyaasada iminka kataagan Magaalada Mushdisho taasoo ay daliil kaga filantahay kala oradka ka dhex taagan Madaxweynaha Somalia iyo Raisul wasaaraha Somalia oo siyaabo kala duwan u kala war helay in ay Musharaxiin yihiin labaduba
Iska Noqo Madaxweyne Maxaa ka galay Mudane maahan mid lagu kalsoon yahay wax u qabadka Dalka iyo Dadka soomaaliyeed Balse waxaa lagu qancinaaya Reer hebel oo aan Sanadahaani Noqon Madaxweynaha Dalka Somalia Hayeeshe Arintaasina waxa ay soo dadajisay Xigmad ah “Iska noqo Madaxweyne Maxaa ka galay Mudane ”
NB, Taladaada,Dalkaada,Dadkaada soomaaliyeed fadlan u dhiibo Musharax aad ku kalsoontahay islamarkaana aad ogtahay in uu yahay mid wax badan ku qaban karo rabitaankaada
© 2013 Created by Aduun Team.
You need to be a member of Aduun to add comments!
Join Aduun