Somali Online Chatting
1. Naf jacayl Siciidow intuu; Saafay kala-jeexay
2. Sidrigiyo naf laabtaba kalgacal; Saaqay lagu raaray
3. Seedaha nafuu caashaq xidhay; Surimadii dhiigga
4. Nafaan seexanayn oo hurdada; Selel lasoo toosta
5. Naf sugaal baxnaaniyo ku nool; Samir la caadaysto
6. Sawir iyo hummaag iyo nafaan; Sabid ku maaweelsho
7. Sudda Toronto suqeeda weyn; Sahal dhul loo yaallo
8. Nafay sahayi kaga laalantaan; Sii kac leeyahaye
9. Sureer-nuura uunba qalbigu; Soo hel leeyahaye
10. Saadaal halowdaa nabdigu; Saanyo leeyahaye
11. Fulaybaan sutida loo qabtiyo; Solin xantiisiiye
12. Sirta igu negaatiyo haddaan; Sadarro kuu loogo
13. Surta iyo abwaanow haddaan; Kuu sinsimo guushka
14. Malabkaa sibbaaq kuu dhadhami; Sun iyo deebaaqe
15. Saxansaxada caashaq kacshaa; Siigo kuu noqonne
16. Sanqadhiyo wadnaha boodayaa; Selel ku qaadsiinne..
17. Sifadaan ku taabsiinayaa; Soohdin kuu diriye......
18. Suuree murtida wiilyarbaa; Taladu seegtaaye.......
19. Saad dahaba luul soo ifiyo; Saanad lagu dhaato
20. Saac ubaxa suurada mankuu; Saaranyahay xiinku
21. Sagal rooba sii-dhaca cadceed; Safaf shucaac muuja
22. Sidig tolan irmaan soocanoo; Seere lagu foofshay
23. Faras socodka laga dhawrayoo; Sabada loo daayay
24. Saryan ugub abeer sararihii; Farawgu soo saarmay
25. Sixin udug leh saafiga burcada; Sahay mid loo qaato
26. Sinji-dhaba tu Soomaalinnimo; Suubban lagu toodshay
27. Sinjigii Rasuulkiyo sharciga; Subax tu loo meershay
28. Sabaan adag dhulkoo noolihii; Socodka uu gaabshay
29. Sammaddiyo kaliishoo nafluhu; Uu surmiyo oonka
30. Tu uun seermaweydiyo ka dhigan; Dirir sagaareedka
31. Sanqaroorka lagu uumay iyo; Suuniyaha guudka
32. Socodkiyo talaabada degane; Sahal u miisaaman
33. Soojeed wanaaggiyo xubnaha; Laysu wada soocay
34. Sawdkiyo odhaahdiyo codkay; Subax i deeqsiisay
35. Suntay igu abuurtiyo cishqiga; Sudhan laxaadkayga
Comment
Comment by sharmarke on February 16, 2010 at 5:32am
Comment by heysam axmed on February 16, 2010 at 5:08am
Comment by maxamed ali maxamed on February 6, 2010 at 11:54am © 2012 Created by Aduun Team.
You need to be a member of Aduun to add comments!
Join Aduun