boqorka shumiska iyo baashiyeenta atariishooyinka bollywoodka Emraan Hashmi, jilaagii dhunkashada iyo baashida ku galay taariikhda bollywoodka

Shirkadda aflaamta ee India oo lagu magacaabo Bollywood oo caado ahaan waqtiyadii hore ay ceeb iyo wax laga baqo ka aheyd in baashida ama dhunkashada dheer la isla galo afka ayaa maalmahan dambe waxaa jiray jilyaal kusoo badanayo waxaana haatan laga yaaban yahay Jilaaga Emraam Hashmi oo kusoo caan baxay magaca Dhunkade halis ah.
Emraan Hashmi ayaa waxuu filimadiisa dhan ku qabtaa atriishooyinka baashi ama dhunkasho isagoo dinbaha kaga dhaga ilaa qadar daqiiqado ah taasoo uu kaga duwanyahay jilayaasha kale oo aad uga baqa arinkaasi Balse Emraan ayaa ah mid ku dhiiran baashiyeynta Hablaha bollywoodka
daawo ebraahm haashim oo baashiyeenaya mid kamid ah hablaha bollywoodka
Mar la weydiiyay Emraan Hashmi sida ay u dareento xaaskiisa waxuu sheegay in mararka qaar ay daawato xaaskiisa filimadiisa ay dharbaaxsho la dhacdo waxuuna sheegay balse inuu ka dhaadhacsiiyo inay tahay howshiisa waxaan uu sameynayo uuna ka dhaadhacsiiyo arinkaas xaaskiisa si ay ugu qanacdo maadama dumarkaasi ay ka dhaxeyso kalaiya shaqada jilitaaanka oo hadii uu dhamaado duubista filinka ay kala tagayaan.


Emraan ayaa waxaa uu joojiyay dhunkashadan kaliya filinkii Once upon a Time in Mumbaai kaasoo ay dadka yaabeen iyadoo la filaayay in la arki doono Emraan oo ku dhaggan atriishada balse waxuu Emraan sheegay inaysan ku jirin filinka qiso la isku baashiyeyn karo, Laakiin waxuu sheegay inuu wacdaro shumis ah ku muujin doono Filinkiisa soo socda ee Firang.


Mr Emraan Hashmi oo 31 jir ah ayaa waxaa dhalay qoys Muslim ah waxuuna magaciisa ahaa Farhan Anwar Hasmi isagoo kusoo laabtay magacaan Emraan oo uu sheegay in horey loo oran jiray, waxaa sidoo kale uu Imraan sheegay in loo diiday inuu guri ka iibsado Pali Hills sababo la xeriira inuu Muslim yahay balse kadib arinkaas ka caroodeen jilayasha kale ee Muslimka sida Shahrukhan iyo Salman Khan iyadoo ugu dambeyntii loo ogolaaday waxeyna sidoo kale u sheegeen labadaan Jilaa inuu Emraan iska yareeyo baashida uu la aado afka atriishooyinka iyagoo marwalab dareema cabsi iyo xishood waxeyna kula kaftameen inuu si kale u madadaaliyo.

Isku soo wada duubee Emraan Hashmi ayaa waxaa loo yaqaanaa Boqorka Baashida ee Bollywood waxaana u dheer inuu yahay jilaa Manaxe ah oo ku wanaagsan filimada la is tumayo oo uu kusoo cana baxay sida Zeher, Aksar, Gangaster, Ashiq Banaya Aapne, waxaana u heesa intabadan filimadiisa dhanka muusiga Heesaaga Himesh Reshamiya.


emraan haashmi waa jilaa reer india ah kana soo jeedo qooys muslim ah asagana waa jila muslim ah waliba asiga kaliya maahan actorada muslimiinta ah ee waxa jiraan in badan oo badan oo diinta islaamka heestaan insha allah magacyada actorada muslimiinta ah waan idiin soo gudbin doonaa if allah say so thanks all members of aduun.net so have nice year

W/Q young knaan abdalla
S/H shabakada isku xirka dhalinta soomaliyeed www.aduun.net

Views: 1350

Tags: aduun, for, jilaa, news

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

© 2014   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service