barnaamijga caafimaadka , cudurka kaadi - saarista { dialysis}

bahda dhalinta aduun waxan jeclahay in aan wax yar ka taabto barnaamijka caafimaadka oo aan maanta kaka hadli doono     ( cudurka kaadi - saarista { dialysis}  >     hadaba waxaa jiraan cuduro kala duwan plz maanta waxa adiirada inoo saaran ama aan kaka hadli doona barnaamijkan cudurkan la yiraahdo

                           { cudurka kaadi - saarista { dialysis}         hadaba horay aan usii galo falaqeenta cudurkani adinkoo mahadsan

 

 

 

Kaadi-saaristu waa daweyn la isticmaalo marka kilyuhu ay joojiyaan inay si fiican u shaqeeyaan. Kaadi-saarista waxaa loo isticmaala in dheecaanka siyaadada ah iyo qashinka laga saaro jirkaaga. Waxa jira laba nooc oo ah kaadi-saaris

labada noocna wa sida tan soo socota

• Kaadi-saaris dhiig (hemodialysis)
• Kaadi-saarista xuubka hoose ee ubucda (peritoneal dialysis)

plz aan ku horeenee  kadi saarista dhiiga ama  (Hemodialysis)


Kaadi-saarista dhiigga (Hemodialysis)
Marka la sameynayo kaadi-saarista dhiigga, in yar oo dhiig ah ayaa dibadda looga soo nuugaa ama looga saaraa jirka waxana la dhex mariyaa mishiin la yidhaahdo killi artifishal ah. Mishiinkani waxa uu dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka ka shaandheeyaa/miiraa dhiigga. Ka dib dhiigga ayaa dib loogu celiyaa ama loogu shubaa jirkaaga. Daweyntu waxay qaadataa qiyaas ah 4 saacadood waxana la sameeyaa 3 jeer todobaadkii.

Si loo sameeyo daweynta, waxa loo baahan yahay goob dhiigga dibadda jirka looga saaro, ka dibna lagu soo celiyo dhiigga. Tan waxa la yiraahdaa goobta siinta (access). Marka goobta siinta la sameeyo ee ay bogsato ka dib, 2 irbadood oo ku xiran tuubo ayaa la galiyaa goobta siinta. Hal irbad dhiigga ayay dibadda u soo saarta, hal irbadna dhiigga ayay ku celisaa jirka.
Goobaha Siinta.

Waxa jira saddex nooc oo ah goobo siin

 

 AV Fistula – Marka la sameeyo qalitaan sahlan, oo ah xidid dhiig oo halbowle ah ayaa lagu xiriiriyaa xidid dhiig oo arooriye ah meel ah maqaarka hoostiisa. Badanaa waxa tan lagu sameeyaa gacan.

• Graft – Marka la sameeyo qalitaan fudud, tuubo caag ah oo jilicsan ayaa la galiyaa si ay isugu xiriiriso halbowle iyo arooriye ah maqaarka hoostiisa.
• Central catheter – Marka la rabo kaadi-saaris ku-meel-gaarsiis ah, dhakhtarku waxa uu tuubo galiyaa xidid arooriye ah oo weyn inta badan mid ku yaala qoorta.

tan xigta waa     Kaadi-saarista Xuubka Hoose  Ama (Peritoneal dialysis)

Marka la sameynayo kaadi-saarista xuubka hoose, tuubo ayaa la galiyaa caloosha/ubucda.

Hoore/dareere gaar ah oo la yiraahdo "dialysate" ayaa lagu shubaa ubucda iyada oo la marinayo tuubo.

Hooruhu/dareeruhu waxa uu ubucda ku jiraa dhawr saacadood. Inta hooruhu ku jiro ubucda, dheecaanka iyo qashinka dheeraadka ah ayaa ka soo baxa dhiigga oo ku darsamaya hooraha. Hoorahani waxa uu si aad ah ugu eg yahay kaadida ka dibna waxa laga gororiyaa jirka iyada oo la isticmaalayo tubada. Markaas ka dib hoore nadiif ah ayaa lagu shubaa ubucda waxana lagu celiyaa talaabooyinka.

Waxa jira 2 nooc oo waaweyn

 

• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Socodka Leh Continuous Ambulatory Peritoneal Dialysis (CAPD) waxa la sameeyaa 4 ilaa 5 jeer maalin kasta waxana uu hooruhu ku jiraa ubucda 3 ilaa 4 saacadood. Waxa tan lagu sameyn karaa meel kasta oo nadiif ah oo asturan.

• Kaadi-saarista Xuubka Hoose ee Joogtada iyo Wareegga ah  (Continuous Cycling Peritoneal Dialysis) (CCPD) waxa la sameeyaa iyada oo la isticmaalayo mishiin gaar ah. Hooruhu waxa uu caloosha ku jiraa mudo gaaban, oo ku qiyaasan 1½ saacadood.

Marka hore mishiinka ayaa la rakibaa, ka dibna qofka ayaa lagu xiraa mishiinka, mudo ah 8 ilaa 10 saacadood habeenkii.

Qofka waxa laga furaa mishiinka maalinimada.
Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac, halkaan ka weydii

 

aduun news { qeeybta barnaamijka caafimaadka }

 

hadaba la soco qeebaha kale oo aan uka hadli doono caafimaadka mahadsanid

Views: 704

Tags: aduun, cfmaadka

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

Comment by abuukar clllahi maxamed on January 16, 2011 at 9:21am

waad ku mahadsantahay barnamijka cafimaadka 

aad noo soo diyarisay marlabaad thank you

A

© 2012   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service