Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo xalay lagu dilay Muqdisho ayaa maanta lagu aasay deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha hoose.
Allaha u naxariistee aaska marxuum Xasan Cismaan Cabdi “Fantastik” Agaasimahii Radiyaha Shabeelle ayaa waxa ka qeyb galay ehelada iyo qoyska Marxuumka, suxufiyiin, odayaal iyo dad kale oo tirabadan.
Maxamed Cismaan Cabdi oo ah walalka Allaha u naxariiste marxuumka la dilay ayaa ugu horreyn saxaafadda u sharaxay taariikh nololeedka wariye Xasan “Fantastik”
Hooyo Faadumo Xaaji Aadan oo ah hooyada dhashay marxuumka geeriyooday ayaa waxaa ay ka hadashay geerida naxdinta leh eek u timid wiilkeeda waxeyna intaa ku dartay in ay dishay gacan ka gardaran.
C/llaahi Sh. Xasan oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay aaska marxuumka ayaa ugu baaqay dowladda in ay si dag dag ah wax uga qabato dilalka loo geysanayo suxufiyiinta ka howlgasha Muqdisho.
xuquuqda qoraalka;by yahya yare
You need to be a member of Aduun to add comments!
Join Aduun