saaxiibayasha qaaliga ahow mar kale kusoo dhawaada sheekadii guul daro jacayl god maloo galaa iyo qeybti sedexaad.
cabdiqeeys iyo saamiya xariirkooda wuxuu naqday mid aad u wanaagsan oo habiin iyo maalinba midba midka kale inuu daawado amaba uu maqlo uun rabo ,muda dheer markii la wada socday ayaa la isku afgartay in balan ama cahdi meel lawada dhigto oo la isguursado markii uu dhamaato secondry school ka . wixii la sugaba oo bilaha iyo waqtiga ka harsan dhamaad school ka tirshaba waxaa lasoo gaaray markii la gelilahaa imtixaankii ugu danbeeyay oo looga qalin jabinlahaa dugsiga sare . cabdiqeys iyo saamiya labadaba farta ayay wadnaha ku hayaan welwelka imtixaanka waxaa ugu darsamay jacayl aan caadi ahayn sikastaba ahaatee imtixaankii wuu dhamaaday .
cabdiqees iyo leyla waxay kuwada kulmeen xaafada saamiya maalintuu imtixaanka soo dhamaaday habiinkeeda waxaane laga wada hadlay balantii laga waa lasoo gaaree halka wax laga bilaabilahaa ,
saamiya ayaa ku talisay iney sugaan inta laga soo dhejinaayo natiijada imtixaanka oo lakala ogaankaro cida baastay iyo cida ku dhacdayba ,maalintii natiijada lasoo dhejinaayay ayay isisoo raaceen samiya iyo cabdiqees nasiib wanaag labadoodaba way ku baaseen imtixaankii .
cabdiqeeys iyo layla waxay ku balameen in sheekada ladhameeyo oo waalidka la ogeysiiyo. cabdiqees wuxuu u sheegay aabihiis wuune ka aqbalay,wuxuune aabahi yiri; gabarta aad sheekeyso aabaheed ayaan sifican isku naqaan marka meel fican ayaadba gashay wiilkeygiyo insha allh 4 maalin kadib ayaane u tageynaa oo aan kaaga doonaa gabarta maadaama aad heshiiseen,
cabdiqees oo aad ufarax san ayaan soo wacay saamiya una sheegay in aabihiis ku taageeraayo guurkooda uuna aabahed kasoo doonidoono 4 maalin kadib ,saamiyane maalintaa waxay u ahayd riyo ama wax ay muda dheer ku haminjirtay oo u rumoobay,
waxaa lasoo gaaray malin ladoonilahaa saamiya ,waxaane soo baxay cabdiqees iyo aabihiis iyo 3 odayaal oo familkiisa ah.gurigii saamiya ayaa lasoo gaaracay waxaa laka kulmay odagii saamiya dhalay. salaam kadib ayaa waxaa hadlay cabdiqeeys aabihiis oo u sheegay in wiilkisa iyo gabarta uu odayga loo imaaday dhalay heshiiyeen sidaa darteedne uu usoo daanay kana rabo in ay isku guuriyaan dhalinyarada ay labadooda kala dhaleen, nasiib xumo saamiya aabaheyd ayaa yiri [aad ayaad u mahadsantihiin waane isharafteen ilahay ha idinsharfo gabartiisa ninkii laga soo doonto oo si sharaf ah looga guursado waa wax wayn wiilkane waanba aqaan wiil fiican waaye laakin mid ayaa jirto aniga gabartaan mar hore ayaan nin iga soo doontay waane siiyay laakin iyada umaanan sheegin marka iga raali ahaada ] run ahaantii hadalkaasi cabdiqees aad ayuu uga naxay waane uga darneed in wadnahiisa waran laga taago sidaa ayaane meeshii loogu kala tegay
;
cabdiqeys iyo samiya maxaa la gudboon xaaladi faraha ayay ka baxday farxadiine waxay isku bedeshay murugo iyo qaracan? markii ay tegeen martidii iyo cabdiqeeys familkiis ayaa odaygii saamiya dhalay u yeeray saamiya una sheegay inuu nin horey usiiyay ninkaane ay iska hilmaamto run ahaantii saamiya dhulkaa la yaraaday oohin iyo qeeylo ayay gashay cabdiqeeysne gurigisa markuu gaaray ayuu qolka dhexda ka xirtay asigoo feker iyo walaac aan la koobikarin kujira ,maalmo kadib cabdiqeeys ayaa wacay saamiya waxayne kawada hadleen caqabada soo foodsaartay meel kasto oo laga eegay ayaa cabdi qeeys yiri[ abaayo mcn aniga iyo adiga laba qof oo dhab isku jecel mudane isku sabraayay ayaan ahayn laakin calafka ayaa nasaacidi waayay adigane qalad magelin aniga qalad makaagelin laakin dhanka waalidka ayaa carqalad nagaga imaatay marka sidaa aawgeed aan naqano laba qof oo walaalo ah nolosheydane baal dabah ah ayaad uga jirtaa kuma hilmaamidoon saamiya] saamiya ayaa hadalkaasi diiday oo tiri sxb hadaan labadeena daacad isku jecelnahay cidi nama kala celinkarto sxb nin aanan rabine naag uma noqondoono aahabayne wuxuu wado caqli mahan mana kayeelaayo ok lasoco qeybta ugu danbeysa saaxiibayaal maxay sameyndoonaan saamiya iyo cabdiqees mar hadii xaajadu halkaa mareyso oo saamiya nin horey aabaheed usiiyay?

Views: 255

Comment

You need to be a member of Aduun to add comments!

Join Aduun

Comment by abshir ahmed haji on May 19, 2010 at 4:54am
waa sheeko aad umacaan sxb thans kuwataro
Comment by abdirahman kuwaataro on May 16, 2010 at 4:51pm
mr zeki waan kaa gudoomay salaantaada mid la midane iga hano aadne usoo dhawaaw ayaanu ku leeyahay bro
Comment by sakariye c/raxmaan on May 16, 2010 at 8:14am
dhaman waad salaaman tihiin aqyarta hawada

© 2013   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service