Waxaa jiri jiray sheekh la yiraahdo Nasaruddin oo u dhashay dalka Turkiga. Maalin ayaa looga yeeray Masaajid.
Markaas ayuu markuu fuulay mibarkii si uu u jeediyo khudbad ayuu arkay dadkii dhagaysan lahaa ooysan ka muuqan firfircooni. Markaas ayuu yiri: “Ma taqaanaan waxaa ka hadli rabo maanta”? Dadkii ayaa ku jaawabay: “Maya.”
Markaas intuu minbarka kasoo dagay ayuu yiri: “Hadiinanba aqoonin waxa aan ka hadli rabo, maxaan inkala hadlaa marka”? Kadib ayuu iska tagay.
Maalin labaad ayaa loo yeeray, markii uu minbarka fuulay ayuu yiri: “Ma taqaanaan waxaa ka hadli rabo maanta”? Dadkii ayaa ku jawaabay: “haa”. Intuu kasoo dagay minbark ayuu yiri, “Marba hadaad ogtihiin waxa aan ka hadli lahaa, hadee wakhtiga yaanan inka dhumin.” Kadib ayuu iska baxay.
Dadkii ayaa aad u yaabay, garan waayay si ay ula dhaqmaan sheekh Nasaruddin, markaas ayay waxay ku heshiiyeen inay labo u kala baxaan, qaarna dhahaan waan naqaanaa waxa aad ka hadli rabtid, qaarna dhahaan maya, laga yaabo inuu markaas dadka dhamaan lawada hadlee.
Kadib mar sedexaad ayaa loo yeeray. Markii uu minbark fuulay ayuu yiri: “Ma taqaanaan waxaa ka hadli rabo maanta”? “Haa” ayay qaar yiraahdeen , “maya” ayay intii kale tiri. Markaas ayuu ku jawaabay: “wuxuu yiri hagaag. Haafka taqaano waxaa aan sheegi lahaa ha u sheegaan haafka aanan aqoonin.” Sidaasi ayuu uga dhaqaaqay