Qiso naxdin iyo argagax leh oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed "Qiso Dhab ah"

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maslax iyo Nafisa, Maslax ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna uu inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse waxan kusoo barbaaray caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxbarashadeeda qeybta hore ayaa waxaan kusoo qaatay isla magaaladda Muqdisho.

Sanadkii 2005-tii ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan imaado magaaladda Stochkolm ee dalka Sweden, halkaasoo aan dhawr sano ku noollaa, maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaan damcay inaan aado gobol ka tirsan dalka Sweden, oo ay ku nooleed ayeeydey, balse intii aan safarka kusii jiray ayaa waxaa goob laga raaco tareenada “Train” kula kulmay gabar aad u qurux badneed oo lagu magacaabo Nafisa.

Goobtaasi ayaa waxaa si wanaagsan iskugu baranay Nafisa, markii aan kala tageynay ayaa waxaanu kala qaadanay teleefanadii aanu xilligaasi wadanay, maalintii oo dhan markaan sii saarnaa tareenka ayay maskaxdeeda ka dhex guuxeysa fursadda qaaliga ah ee aan ku bartay Nafisa, waxaana si layaab leh igu noqotay qaabka fur furan ee dabacsan ee xiisaha badan ee igula hadashay Nafisa.

Ku dhawaad laba cisho markii ay kasoo wareegatay ayaa waxaan wacay Nafisa, durbaba waxay aqoonsatay teleefankaygii gacanta oo aan horey ugu qoray, waxaa halkaasi ka dhacay sheeko qosol iyo farxad badan, waxaana kala tagnay anagoo maalintaasi isku xiiso qabno.

Muddo markaan Nafisa wada sheekeysaneynay ayaa waxaa dareemay in’aan jaceyl culus u qaaday Nafisa, waxaana xilligaasi xasuustay maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa wixii aad qarsato way ku qarsadaan, taasoo ka dambeysay in’aan Nafiso u sheegto jaceylka culus ee aan u qabo, markaan Nafisa u sheegtay ayay si-weyn u soo dhaweysay.

Nafisa waxaan u qaaday jaceyl aan caadi ahayd, xilli kasta waxaan jeclaan jiray inaan iskala sheekeysto, midda labaad waan waayay qof aan u dhigo, waayo waa gabadha kaliya ee aan ka daalin, waa gabadha dhaliya ay igu baxdo, waa gabadha kaliya ee aan markasta islahaa waxay ku wanaagsan tahay in’aad guur la-yeelato.

Hal sano markii ay soo wareegatay jaceylkii inoo dhaxeeyay Nafisa ayaa waxaa ugu baaqay maadaama aan muddo sanad ah wada soconay inaan isguursano, hase ahaatee waxay iga codsatay in’aan dib u dhigno ilaa sanad kale, anna waan ka ogolaaday, waayo waxa uu ALLE u dhiibay Nafisa af Soomaaliya, dadka sida loo-qanciyana waxaad u mooddaa in’ay Jaamacad uga soo baxday.

Maalmo kadib ayaa waxaan maqlay in uu Nafisa qabo nin, ninkaasoo jooggo Soomaaliya, waxaan kaloo soo ogaaday in’ay damacsan tahay in’ay ninkaasi keensato magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si’ay ugu soo dacwooto, arintaasi waxay igu noqotay yaab iyo amakaag, balse Nafisa ayaa balanay, kadib ayaa waxaan wax ka weydiiyay wax yaabo fara-badan oo ay kamid ahayd: horey ma u soo guursatay?, wada-hadal iyo qaylo dheer kadib ayaa waxay ii sheegtay in uu nin qabo, balse waxay ii sheegtay in’ay aniga i jaceshahay oo aysan jecleen ninkaas, oo ah ninka qaba.

Intaan ciishooday oo aan si kasta u carooday ayaa waxaan ku iri “maxaad sidaan igu qiyaantay, maxaad ii soo lugoysay, weliba adigoo oo uu nin ku qabo, hase yeeshee wada-hadal dheer kadib ayaa intaan ku carooday iskaga tagay, weliba anigoo ku dhahay, ku cafin maayo wax kasta oo dhaca.

Hada waxaan ku noolahay magaaladda Nyköping ee dalka Sweden, magaaladda Stockolm waxaan uga soo tagay Nafisa oo aan ifka ugu jeclaaday, misena sidaan oo dhan ii qiyaantay, waxaa i soo martay nolol adag, hadase weli waan noolahay wax kastana waxay ku dhacaan Qadar ALLE, ee hablaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la-qaba waxaan ugu baaqi lahaa in’ay ALLE ka cabsadaan, oo aysan rag kale u hanqal-taagin, ama aysan damac gellin.

Tags: c/laahi, feysal

Views: 506

Reply to This

© 2014   Created by Aduun Team.

Badges  |  Report an Issue  |  Terms of Service